U bood dhigaalka

Gar Mise Gaf: Gabdhaha Oo Guurka Lagu Qasbo

Sheeko:Dalka

Gabdhaha kunool magaalada Muqdisha ayaa xilligan aad uga hadlaya dhibta uu leeyahay Guurka qasabka ah kaas oo wali kajira magaalada Muqdisho. waalidiinta qaarna gabdhaha  ay dhaleen ku dara nin aysan raali ka ahayn.

Dhibaatooyin badan oo ay kow katahay in niyad jab uu ku yimaado gabadha iyo inuu hakad galo waxay ku haminaysay ayey gabdhuhu ii sheegeen in guurka qasabka ah laga dhaxlo.

Ayaan Mxamed waa 21-sano jir waalidka dhalay uu ku qasbay guur aysan iyadu rabin, midaas oo keentay inay dhibaato kala kulanto guurkaasi.

Goobjoog News ayey uga sheekaynaysaa qaabka guurka loogu qasbay iyo dhibaatadii kasoo gaartay.

“Aniga dhibta guurka qasabka ah waa ay igu dhacday oo waxaa la iigu daray nin aan raali ka ahayn anigoo markaa rabay inaan aqoonteyda horumariyo oo aan heer sare ka gaaro, habaryar ayaan la noolaa iyada ayaa nin igu qasabtay ninka waligayga ma arkin xoog ayaa la iigu daray kadib waan ka dhuuntay oo waxaan u baxsaday ithoobiya anigoo ka cararayo guurka qasabka ah marka walaahi dhibkiisu ma yaro” ayaan ayaa sidaasi tiri

Mudoo Lix Bil ah ayeey sheegtay in Ayaan ay ku nooleed Itoobiya, iyadoo waalidkeeda aanu wax war ah ka hayn.

“Itoobiya waxaan joogay 6-bil oo aan ku maqnaa iyada oo aan la iiga warhaynin, ninkii la ii guuriyay Habeen Madow ayaan ka dhuuntay, anigu lacag lagu baxo ma aanan haysan waxaan raacay gabdho halkaa ku jeeday kadib 6-bil waan soo laabtay waalidkeygana ninikii waa iiga fureen waayo maba ku qanacsanayn”

Haweenka bulshada rayidka ah ayaa iguna tilmaamaya in ay tahay wax aad looga wanaagsan yahay in waalidku uu qasbo gabadhiisa oo ruux aysan rabin inay nolol wadaagaan.

Duniyo Maxamed Carshaan oo ka tirsan hay’adda hormarinta haweenka ee Iida ayaa Goobjoog News waxa ay uga waramaysaa guurkan qasabka ah iyo dhibaatooyinka uu gabdhaha uleeyahay.

“Guurka qasabka ah dhibkiisu waa uu badan yahay gabdhaha waalidka dhalay oo guurka kuqasbayana lama soo koobi karo, waana wax laga wanaagsan yahay, waalidka waxaa loo baahan yahay in ilmihiisa uu saaxiib la noqdo ee suusan qasbin, waxaa jira waalid gabdhiisa lacag ka door bidaaya oo inta lacag afka loogu shubo aan eegeynin mustaqbalkii gabdhiisa taasna waa dhib intiisa la eg, Magaaladaan Muqdisho weli waxaa ka jira guurka qasabka ah wallow uu aad ugu badan yahay dhanka gobolada qaar ee dalka” Duniyo ayaa sidaasi tiri

Duniyo ayaa sidoo kale sheegtay in ay aragtay dhibaatooyin gabdho soomaliyeed ay la kulmeen taas oo la xiriirta guurka qasabka ah waalidkuna uu qeyb ku leeyahay dhibtadaasi gaareysa gabdha ay guurka ku qasbeen.

Waxay fariin u dirtay Duniyo waalidiinta, taasi oo ku aadan in aysan gabdhahooda qasbin balse badalka midaasi ay saaxiib la noqdaan oo ay fahmaan waxa ay gabdhoodu raali ka tahay..

“Aniga waxaan arkay gabdho la jirdilay aad loo dhibaateyey oo walidiintii dhalay sidaas ay yeeleen iyaga oo ku qasbayo guur aysan raali ka ahayn, hay’addeena marar badan ayey la kulantay kiisas la xiriira gabdho dhiban oo guur lagu qasbay qaarbaa sun cabay waayoo guurkaa diyaar uma aysan ahayn taasna waalidkaa ka masuul ah, waxaan dhihilahaa gabdhihiina ha qasbina oo guurka qasabka ah ka joojiya waayoo dhibta soo gaarto idiin ma farxad galinayso inay idin damqiso mooyee”

Waxaa jira waalidiin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo gabdhahooda guurka ku qasba, midaas oo mararka qaar keenta dhibaatooyin soo gaara gabdhaha guurka lagu qasbay.

W/D Farxiya Cabdalla Muumin

Goobjoog News