U bood dhigaalka

Guuleed: Doorashooyinka Waa in ay Ku Dhacaan Xilligooda Dastuuriga ah

Sheeko:Baarlamaanka

Mar walba oo la gaaro xilli kala guur ah ama gunnaanadka muddo xilleedka dowladda markaasi jirta waxaa bilaawda cabsi iyo guux ku saabsan mudo korarsi. Fikirkaan inta badan waxaa curiya dad walwal ka qaba mustaqbalkooda siyaasadeed ama kuwa dano dhaqaale oo gaar ah ku qaba Dowladda markaas jirta.

Waxaa la isku dayaa in soo noqosho la’aan iyo cabsi la xiriirta natiijada doorashada loo muujiyo madaxda xilka heysa, sidoo kale beesha Caalamka ayaa loo diraa fariimo qaldan oo marin habbaabin ah si waqtiga loo dheereysto. Dhamaan isku dayada noocaan ah ee hoostagga dannaha gaarka ah kama suurtoobin dalka sanaddihii lasoo dhaafay, hadanna ilama’ahan iney taabo-gal noqon doonnaan.

Qof walba oo rajo kasii leh Soomaaliya, garanayana waxa lasoo maray iyo sida dowladnimaddu halkaan ku timid kuma fakaraayo inuu muddo korarsi sameysto. Haddii madaxda Federaalku go’aansadaan iney sumcadooda sariftaan, Qarankana ka leexiyaan dhabihii qori isu dhiibka iyo wixii lagu heshiiyay, looma siinaan doono masuuliyadda wixii naga hallaaba.

Dhamaanteen waajib ayaa naga saarran in la helo xasilooni siyaasadeed, doorasho xilligeeda ku dhacda iyo in xukunka la isugu wareejiyo si nabad ah. Maadaama xukuumadu ku guuldareystay shaqadii loo diray oo aheyd diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo xilligeedii ku qabsoonta, ma habboona in xilligaan lagu fakaro waxyaabo baalmarsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

Xogo-gaal ayaan u nahay waxa dalka ka socda. Dhaqanka wanaagsan wuxuu sheegaya in qofku qirto gaabiskiisa iyo wixii aan socon karin, kadibna laga wada hadlo sida ugu fudud ee lagu gaari karo yoolka saxda ah (doorasho guud), laakiin cidna uma suurto galli doonto iney meel mugdi ah ku rido masiirka iyo rajadda Dowladdnimada Soomaaliya (mudo korarsi).

Waxaa ila habboon in madaxda dalku ay masuuliyaddooda qaataan, oo ay garwaaqsadaan inuu Dalku u baahanyahay u turid iyo toosin.

Waxaa si gaar ah madaxda Baarlamaanka, Xildhibaanada sharafta leh ee labada aqal iyo Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka shacabka Soomaaliyeed oga fadhiyaa inay xil iska saaraan xaqiijinta qabsoomidda doorashooyin ku dhaca xilligooda dastuuriga ah.

Goobjoog News