U bood dhigaalka

Guuleed Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Yeeshay Narendra Modi

Sheeko:Dalka, War

Ra’iisalwasaare kuxigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada New Delhi ee dalka India wuxuu kulan kula qaatay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Narendra Modi oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah.

Waxyaabaha ay mas’uuliyiintan ka wada hadleen waxaa kamid ah, xoojinta xiriirka Labada dal, iskaashiga dhinacyada arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo in shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal-ku-galka India.

 “Waxaan la kulannay Ra’iisalwasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaannu kaga wada hadalnay sidii labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada, guul ayuuna ku soo dhamaaday”. Ayuu yiri ra’iisalwasaare kuxigeenka dalka.

Sidoo kale, ra’iisalwasaaraha dalka Idia ayaa isna dhankiisa sameeyey ballanqaad ah in uu si dhow ula shaqeyn doono Soomaaliya, walibana kala shaqeyn doono iskaashiga Labada dhinac.

Goobjoog News