U bood dhigaalka

Guusha Erdogan oo la sheegay inay faa'ido ugu jirto dalal ay ku jirto Soomaaliya

Sheeko:War
Ordogan1
Erdogan iyo xaaskiisa oo dhexda kaga jira qoys barakac ah oo ku sugan Muqdisho,2011

Xarunta Somali Act ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in doorashada Madaxtimada Dalka Turkiga ee loo doortay Recep Tayib Erdogan faa’ido ay u tahay Dalalka Islaamka oo ay Soomaliya ugu horayso.

Agaasimaha Xaruntaasi Maxamed Axmed Cantuubo ayaa sheegay in Dowladda Turkiga kaalin ay ka cayaartay samata bixinta Qoysaskii ugu badnaa ee ay soo sal kicisay abaarihii ku dhuftay dalka 2011-ka ee soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Agaasimaha Xaruntaasi in   doorashada Madaxtimada Erdogan dhabbaha ay u xaari doonto saaxiibtimo sal adag oo dhax mara labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Erdogan ayaa lagu xasuustaa booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku yimid Magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii xilligaas oo ay dalka ka dhacday abaar ba’an.

Erdogan ayaa tusay indhaha caalamka in Soomaaliya ay ka jirto fursado badan oo lagu gargaari karo, isla markaana la booqan karo, wixii intaa ka dambeeyay waxaa isasoo tarayay madax ka socota caalamka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.