U bood dhigaalka

Hadi Matar, wiilkii weeraray qooraga buugga ‘Aayadaha Shaydaanka’ oo hadlay!

Sheeko:Dalka

Hadi Matar, oo ah wiil ku eedeysan in uu weeraray qoraaga reer Britain Salman Rushdie, xilli uu khudbad ka jeedinayay xarunta  machadka Chautauqua Institution ee galbeedka gobolka New York ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in uu u weeraray qoraaga kadiba markii uu akhriyay buuggiisa.

Wiilkaan ayaa sheegay in uu xushmad badan u hayo hoggaamiyihii hore ee Iran ee Ayatollah Ruhollah Khomeini, balse fatwadiisa aysan shaqo ku laheyn weerarka uu u gaystay Salman.

Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post, ayuu ku sheegay in uu qayb kamid ah buugga uu qoray salman Rushdie, ee uu ugu gafay Quraanka iyo suubanaheenna Muxamed NNKH, taasne ay keentay in uu weeraro qoraaga alle diidka ah.

Qoraaga ayaa soo saaray sanadkii 1988-dii buug uu ugu magacdaray ‘Aayadaha Shaydaanka’, waxaana muran badan uu ka abuuray buuggiisa dunida Muslimka.

75-sano jirkaan ayaa buuggiisa ku aflagaadeeyay Nabiga NNKH waxaana xilligaas kadib soo baxay fadwooyin ninkaan lagu amrayo in lagu dilo..

Wareysiga ayuu sidoo kale Hadi Matar oo 24-sano jir ah, ku sheegay in uu ka war helay in xarunta  machadka Chautauqua Institution ee galbeedka gobolka New York ee dalka Mareykanka, uu khudbad ka jeedin doonno Salman Rushdie, uuna halkaas u soo tabaabusheeyste si uu ugu dillo.

Booliiska New York ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababta loo dilay qoraagan reer biritish ee Salman Rushdie.

Goobjoog News