U bood dhigaalka

Hadliye: Shirka IGAD Berri Oo Talaado ah Ayuu Dhacayaa

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in shir madaxeedka IGAD uu dhacayo maalinta Talaadada ah.

“Shirka IGAD waxaa uu dhacayaa berri oo Talaadada ah” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay wasiirka arrimaha dibadda, arrinta wasiirka waxaa ay meesha ka saareysaa hadal-heynta ah in shirka laga yaabo in uu u baaqdo sababo amni.

Madaxda IGAD ayaa Talaadada waxaa shir madaxeed ku yeelan doonaan caasimadda Muqdisho, waa shir taariikhi ah, Wararka shirka kala soco, Goobjoog News