U bood dhigaalka

Hailemariam Desalegn Oo Ka Hadlay Colaadda u Dhaxeysay Soomaalida Iyo Oromada

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa si kulul wuxuu uga hadlay rabshadaha kasoo cusboonaaday gudaha dalka Itoobiya kuwaasi oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Waxa uu sheegay in marka hore wax laga xumaado ay tahay in la laayo shacab Labada dhinac ah misane aan wax galabsan, wuxuuna sheegay in ka dowlad ahaan ay arrintaasi tallaabo ka qaadayaan.

Mr. Desalegn ayaa tilmaamay in cadaaladda la marin doono cid walbo oo wax ka lahayd kicinta rabshadahan, haatanna ay wadaan baaritaanno arrintaasi la xiriira.

“Waan ka xunnahay in shacab aan waxbo galabsan lalaayo, Labada dhinacba waan u tacsiyeeynayaa, waxaan kaloo halkaan ka sheegayaa in lala xisaabtamayo oo cadaaladda la marinayo cid walbo oo wax ka hurisay colaaddan” ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

Oromada ayaa laayay Soomaali badan oo ku sugnaa deegaannada ay ka degan yihiin Itoobiya, waxaana taasi ay keentay iney dhacaan dagaallo khasaare badan geystay.

Goobjoog News