U bood dhigaalka

Hakad ku yimid ganacsiga Soomaalida Koonfur Afrika

Sheeko:War

Cabsida ay Soomaalidu ka qaban in la dhibaateyo lana boobo ganacsigooda ayaa sabab u noqday inay maalintii shanad xiran-yihiin goobaha ganacsatada Soomaalida ee magaalada Cape town.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida weyn Soomaalida lugu dhibaateyo,waxaana dadka ku nool ay u badan-yihiin ganacsato.

Qar ka mid ah ganacsatada Cape town ayaa saxaafadda u sheegay inaysan guryahooda ka bixin oo aysan furin goobahooda ganacsiga muddo ka badan shan maalin.

“Dadku ma aysan aadin meelaha ganacsiga ay ku lahayeen shan maalin ayey xiran-yihiin goobaha ganacsigu,waxaana laga cabsanaya in la boobo haddii la furo,”ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo saxaafadda la hadlay.

Ganacsatada Soomaalida ayaa sheegaya in burcad Koofur Afrikaan ah ay Soomaalida ganacsiga ku leh Koofur Afrika ay dhibaato ku hayaan,dhibaatadaas oo ay ka mid dil,dhac iyo boob.

Waxaana ay intaa ku dareen ganacsatada Soomaalida ee magaalada Cape town in dowladda dalka Koofur Afrika ay u gudbinayaan cabashada ah in dhibaato xoogan lagu haayo.

Sanad walba tiro Soomaali ah ayaa lugu dila dalka,mana jirto cid inta badan loo maxkamadeeyo dilalka Soomaalida oo ay kooxo burcad ah geystan.