U bood dhigaalka

Dad Ka Badan Hal Milyan Oo Saxiixay Warqad Furan oo Lagu Dalbanayo Goonni Isku Taagga Somaliland

Sheeko:Dalka

Magaalada  Hargeysa waxa lagu soo gabagabeeyay barnaamij Afar bilood ay soo wadday wasaaradda arrimaha dibadda  Somaliland oo dad tiradoodu gaarayso hal Milyan iyo 21 Kun oo qof ay soo saxiixeen cosdi ay dunida kaga dalbanayaan in la ictiraafo Somaliland.

Dadkan laga saxiixay codsiga oo ku kala sugnaa dhammaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland  ayey wasaaradu sheegtay in qaabka u ay u saxiixeen ay ahayd mid warqadda uu codsigu ku qoran yahay qofka loo akhrinayo ka dibna laga codsanaayey  inuu saxiixo, may ahayn in qofka la kala dooransiinayey diidmo iyo ogolaanshiyo si gaar ah.

Munaasabadda loo qabtay xiritaanka ol’olahan oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgalay  ayuu madaxweynuhu sheegay inay tani dunida tusayso in gooni istaagga  Somaliland ku yimid rabtaanka shacabka ee aanu ahayn mid ku kooban doonista siyaasiyiinta talada haysa oo qura “In badan waxa lagu doodaa dadka siyasadda haya oo kaliya ayaa raba in Somaliland Soomaaliya ka go’do balse  beesha caalamka oo ay Qaramada Midoobay kaw ka tahay ayaanu tusaynaa arrintani”, ayuu yiri madaxweyn Siilaanyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali shire oo wasaradda uu masuulka ka yahay ay qorshan wadday, ayaa xusay in saxiixa iyo xogta laga soo ururiyey dadka halka Million iyo 21 kun ee qof,  ay la wadaagayaan dunida wax badanna ay ka tarayso in Somaliland rabitaankeeda ay soo bandhigto.

Iyaguna waxa khudbado  la xiriira arrinta ictiraaf raadinta Somaliland ka jeediyey madasha  xubno ka tirsan Lix  qof oo madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray baadi doonka aqoonsi ay  Somaliland  hesho, ayaa waxay ka hadleen sida ay Somaliland u noqon karto dal madax banaan, waxayna badan koodu isku raaceen in  xarumaha shirarka dunidu ay ka dhacayaan oo laga qeybgalaa oo si un loo gaarsiiyo qadiyadda Somaliland ay tahay xal lagu gaari karo ictiraafka.

2001-dii waxa Somaliland laga sameeyey afti dadweyne oo loo kala codayey labo sanduuq  oo la kala doorad siinayey  dadweynaha goonni isku taag  iyo  midnimada Soomaaliya, taas oo markii dambe  lagu sheegay in %97 ay dadku  u codeeyeen dastuurka hadda ay Somaliland ku dhaqanto ee goonni isku taagga sheegaya, iyadoo ay Jirto dood xooggan oo arrintaasi ay ka keeneen siyaasiyiin iyo dad rayid ah oo sheega in aanuu sharcri ahayn dastuurka Somaliland madaama qaabkii loogu codeeyey la khalday .

Goobjoog News