U bood dhigaalka

Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Rasaas Ciidanka Dowladda Ay Ku Fureen Dad Ku Sugnaa Duleedka Baladweyne

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa ku geeriyooday  kadib rasaas lagu furay dad shacab ah oo ku sugan duleedka magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

Deegaanka Ceeljaalle oo qiyaastii 3 Km u jira B/weyne ayuu qofkan ku dhintay xilli halkaasi raashin qeybin ay ka socotay.

Wararka waxay sheegayaan in rasaastaasi ay fureen askar ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa duleedka magaalada B/weyne.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaan ay ku xoomeen xaruntii raashinka loogu qeybinayay taasna ay keentay in askartu ay rasaasta ku furaan.

Qof dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhallinyaro ah oo kamid ah dadkii raashinka gargaarka ah sugayay.

Maamulka gobalka Hiiraan, kan degmada Baladweyne iyo saraakiisha amniga weli kama aysan hadlin rasaasta uu ku dhintay qofka shacabka ah ee maanta duleedka Magaalada Baladweyne ka dhacday.

Goobjoog News