U bood dhigaalka

Hambalyo Loo Diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Taliyaasha Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad  ee  kasoo wareegtay Aas Aaskooda

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka Asluubta Soomaaliya oo maanta u dabaaldagaya Sanadguurada  49Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed

Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciidamada Asluubta Soomaaliya waxaa uu ugu hambalyeeyeen sanadguuradii kasoo wareegtay 49Aad xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii taas oo maanta loo dabaaldagayo kadib shalay oo jimca ah Owgeyd la dhigay dabaaldageeda maanta oo sabti ah 23-February .

“Sanadguurada 49aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed awgeed, Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Ciidanka Xoogga waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale” ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.

“Waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo u dabaaldagayo 49-guuradii ka soo wareegatay Aas-aaskooda.”ayuu yiri Taliye Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac