U bood dhigaalka

Hanti Dhan $150 Kun Oo Ku Gubatay Dab Ka Kacay Suuqa Baardheere

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa degmada Baardheere ee gobolka Gado halkaais oo khasaare xooggan uu ka dhashay.

Inkastoo dabkan waxa uu ka dhashay aan la shaacin ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in halkaasi ku gubteen 23 dukaan oo lagu iibinayey Bagaashka iyo sidoo kale Makiinado shiida Saliid Macsarada, Galleyda iyo Masagada.

Bashiir Nuur oo ah guddoomiyaha ganacsatada Baardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in halkaasi ay ku baaba’day hanti dhan $150 kun.

Khasaarahana ayuu ku sheegay Guddoomiye Bashiir inuu yahay kii ugu xooganaa ee soo gaara ganacsatada yar yar ee Suuqa degmada Baardheere in ka badan 10 sano.

Dukaamada oo aad isugu dhow iyo dab-damiska oo aan jirin ayaa sababtay in xarumahan ganacsi ee intaas la eg Hal mar wada gubtaan.

Goobjoog News