U bood dhigaalka

Hanti Dhawrka Guud oo Mas’uuliyiinta Dowlada Ugu Baaqey In Ay Soo Wareejiyaan Hantida Dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

bangiga dhexeXafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka ayaa maanta War-saxaafadeed uu soo saaray lagu sheegay in maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aqoonsanyihiin in xumaatada musuq maasuqa  uu wiiqo horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo kan siyaasadda.

War-saxaafadeedka oo lagu xusay in iyada la tixgelinayo ahmiyadda ay leedahay dhaqan maamul wanaagsan iyo Ummad ka nadiif ah dhamaan nuucyada Musuq maasuqa ayaa waxaa uu xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka waxa uu xoogga saarayaa saddex arrimood oo kala ah,

In wacyigelin loo soo sameeyo ardayda Jaamacadaha si ay uga qeyb qaataan arrimaha bulshada iyo dowlad wanaagga.

In Wacyigelin loo sameeyo shaqaalaha dowladda iyo bulshada rayidka ah si ay uga qeyb qaataan ka hortagga musuq maasuqa iyo

In la sameeyo wacyigelin dhanka Warbaahinta oo ku saabsan ka hortagga musuq maasuqa (Anti corruption campaigns).

Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Qaranka iyo bulshada in ay xafiiska gacan ku siiyaan sidii loo ilaalin lahaa hantida Qaranka, isla markaana loo heli lahaa isla xisaabtan dhab ah.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Dr Nuur Faarax  ayaa looga codsaday guddoonka baarlamaanka iyo mudanayeyaashuba inay gacan ku siiyaan sidii loo horumarin lahaa nidaamka hanta dhowrka Qaranka iyo ka la dagaallanka musuq maasuqa.

“Ugu dambeyntii waxaa dhamaanteen nalaga doonayaa in aan ka shaqeyno sidii aan uga hortagi lahayn musuq maasuqa oo la sheegay in Soomaaliya ay uga jirto meel hoose, musuq maasuqu waxa uu horseedaa cadaallad darro, nabad gelyo la’aan iyo bur bur dhaqan dhaqaale oo baahsan, waxaana rajeyneynaa in sanadkan kiisa kale aan guul ka gaarno ka hortagga musuq maasuqa” ayaa Hanti dhawraha Qaranka ku yiri War-saxaafadeedkiisa.

Dhageyso

 Goobjoog News