U bood dhigaalka

Hanti-dhowrka: $20 Milyan oo Deeq Ah Ayaan La Ogeyn Meel Ay Martay, Qeybta 1-aad

Sheeko:Dalka

Ilaa $20 Milyan oo ka timid deeq bixiyeyaasha caalamka ayaan lagu shubin xisaabta dowladda federaalka ah ku leedahay bangiga dhexe, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin uu talaadadii soo saaray hanti-dhowrka.

Maxamed Cali, Hanti-dhowraha Qaranka waxaa uu sheegay ilaa $38.2 million oo ay deeq ahaan u bixiyeen Midowga Yurub, Sacuudiga iyo UNOPS, keliya $19.8 million in la dhigay xisaabta dowladda federaalka ah ee bangiga dhexe.

Kaalmada dibadda ee laga helay Midowga Yurub ayaa waxaan ka muuqan US $3.738 milyan, farqigaas oo ah cadadka u dhexeeya muuqaalka isbarbardhiga kutalagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah oo ay bixiyeen Midowga Yurub kuna kabeen miisaaniyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018. Midowga Yurub wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan US $17,004,816 halka warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay ay muujinayaan kaliya US $13,266,667 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda.

Kaalmo lacag ah oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa US $ 20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee US $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi dibadda aan lagu xusin warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha.

Kaalmada dibadda ee UNOPS ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaan ka muuqan US $719,451 taas oo ah farqiga ka muuqda muuqaalka is barbardhiga ku talagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah ee UNOPS ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018. UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, halka xisaabaadka sannadka kaliya ay muujinayaan US $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda.

Dhammaan kaalmada laga helay Bangiga Adduunka (World Bank) sannadka 2018 ee lagu maalgaliyo mashaariicda kala duwan ayaan waafaqsanayn xisaabadka Bangiga Adduunka ay noo soo direen. Sida ku cad macluumaad aan ka helnay Bangiga Adduunka ayaa ku xusan in Wasaarada Maaliyadda lagu wareejiyey wadar lacageed horey loo ansixiyay taas oo gaaraysa US $41,225,875 intii lagu jiray sannadka 2018, halka warbixinta maaliyadeed ay muujinayso in la helay lacag dhan US $49,007,950. Sidaa awgeed, waxaa jirta is waafaqsanaan la’aan dhanka kaalmada la helay iyo kharashka oo aan si sax ah loo soo bandhigin.

Hanti-dhowrka, waxaa uu la socon karaa lacagta la dhigo xisaabaadka dowladda ee bangiga dhexe, laakin lacagahan la la’yahay waxaa dhici karto in lagu shubay akoonno kale oo dowladda ah ama loo isticmaalay si sharci darro ah.

Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baalmarsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972), laguma soo darin warbixinta maaliyadeed, sidoo kalena baarista kuma helin isla xisaabtan dhammaystiran oo laga sameeyay dakhligan. S

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Waa La Iska Iticmaalay:

Warbixinta Hanti-dhowrka waxaa ku jiray in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baalmarsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972), laguma soo darin warbixinta maaliyadeed, sidoo kalena baarista kuma helin isla xisaabtan dhammaystiran oo laga sameeyay dakhligan. S

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Qeybaha kala duwan ee dowladda, wasaaradaha, baarlamaanka labadiisa aqal iyo xataa xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha wax xisaab-xir ah lama wadaagin xafiiska hanta-dhowrka.

Waxaa kale oo warbixinta ku xusan in xisaabiyaha guud oo shaqadeedu aheyd iney keeno xisaab-xirka hey’adaha dowladda ay ku guuldareysatay iney shaqadaasi qabato.

GOOBJOOG NEWS

Mawduucyada:Gobollada