U bood dhigaalka

SAWIRRO: Hanti Ka Badan Afar Milyan Oo Dollar Oo Ku Gubatay Suuqa Khaliifa Ee Bakaara

Sheeko:Dalka

Goobjoog News ayaa maanta tirakoob khasaare hantiyeed u taghay mid ka mid ah suuqyada gubtay ee Bakaaro.

Suuq yaraha Khaliifa waxaa uu ka mid yahay goobaha gubtay, waxaa ku dhex-yaallay shirkado ay ka mid yihiin Hodan Company, Hal-abuur, Al-Xarameyn iyo  Al-ixsaan Campany.

Dhismaha Khaliifa waxaa la taagay  2012-kii, waxaa lagu qarash gareeyay ilaa Nus Milyan Dollar, waxaana ku yaallay illaa 85 dukaan sidaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay guddoomiyaha suuqa Khaliifa Cabdualhi Maxamed.

Guddoomiyaha Khaliifa waxaa uu intaa ku daray in suuqa ugu yar hantida taallay lagu qiyaasay illaa $5,000 halka Dukaannada qaarna ay yaalleen hanti dhan $300,000-500,000$.

Dadka dukaamada halkaas ku lahaa ee khasaarahana soo gaaray oo Goobjoog News la hadlay waxaa ka mid ahaa Maam Caasho Sheekh Ibrahim oo sheegtay in ay halkaasu ku weysay $,18000,  Caadil Sheekh doon oo ku waayey $40,000, Cabdi Caato $5, 000 iyo qaar kale.

Suuq-yaraha Khaliifa waxaa ku taallay illaa 15 carwo, 90% dukaannada waxaa ay ahaayeen dhar kuwoo ka ganacsada.

Qiyaas ahaan lacagta ku gubatay waxaa ay ka badan tahay 4 Milyan, dad qaar waxaa ay ka muuqatay in ay ku adag tahay sidii ay mar kale halaas dukaan uga lahaan lahaayeen.

Suuqa Bakaaro, waa suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxaa uu gubtay sanadkan  labo(2) jeer, waxaa kaloo uu horay u gubtay sanadihii 1996, 2002, 2007 iyo 2009.

Dukaannada halkaasi u gubtay ma laheen waa insurance ah, qof walba waxaa uu hadda meel ka raadin doonaa lacagtii uu dib ugu dhisi lahaa dukaanka iyo lacag kale oo lagu sharaxo, si wax looga iibsado.

Sawir Qaadis: C/weli Jaamac Barre Iyo Cabdinajiib Daahir Cilmi

Goobjoog News