U bood dhigaalka

Hantidhowrka Guud “Hantida Dowladda Lama Hibeyn Karo Lamana Iibin Karo”

Sheeko:Dalka

Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka digey in la hibeeyo ama dad laga iibiyo hantida guud ee Qaranka, isaga oo sheegay in il gaar ah ay ku hayaan  in arrintaasi ay dhacdo.

Dr. Nuur ayaa sheegay iney ka digayaan in madaxda dowladda in dhulka hantida Qaranka ah laga saaro dantii guud misane siyaasad loo isticmaalo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annagu waxaan ilaalinnaa hantida Guurtada iyo midda ma guurtada ah ee dowladda, waxaana ku ilaalinaa nidaam, nidaamkaasina waxa weeye inaan waxa hanti ah ee la kireynayo ama qof la siinayo inaan dadna lasiin karin, loo hibeyn karin lagana iibin karin, hantida dowladda lama hibeyn karo lama kireyn karo, waxaan ka digeynaa madaxda in dhulka hantida qaran ah ee dhahaya waxaa laga saarey dantii guud oo siyaasad loo istcimaalayo, taana waan ka digeynaa oo dad gaar ah gooni loo siinayo, waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in annaga karaankayaga ah iyo dadaalkeena ah aan ilaalinno hantida qaranka”

Mar uu hantidhowrka guud ee Qaran soo hadal qaadey sida ay ula socdaan dhaqdhaqaayqada dowladda ee dhanka maaliyadda qaranka ayuu sheegay in mar walbo ay eegaan buugaagta qarash bixinta si ay u hubiyaan in miisaaniyadda ku jirto iyo in kale.

“Innagu waxaa nasoo mara bugaagta qarash bixinta ee loo isticmaalayo, buugaagtaanna waxaan ka eegnaa iney miisaaniyadda ku jirto iyo in kale, xilligaan xasaasiga ah ee bisha January 1-deedii waxaan joojinnay inaan qarash la bixin karin illaa mooyee kan ciidamada iyo waxyaabaha yar yarka ah ee looga baxsan waayo in lagu shaqeeyo, ammarkaasi waa loo hoggaansamay weyna shaqeyneysaa hadda” ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Ugu Dambeyn hantio dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka isaga oo sheegay in warbixin ay ka diyaariyeen doorashooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka haddii ay jiraan wax is dabomarin ah ama musuq ah.

Goobjoog News