U bood dhigaalka

Hargeisa: Sheekh Farriin Xabsiga Hargeysa Uga Soo diray Madaxweynaha Somaliland

Sheeko:Dalka

Sheekh Aadan Cabdiraxaman Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa isla markaana ay xabsiga u taxaaben ciidamada Somaliland sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu farriin xabsiga dhexdiisa uga soo direy madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sheekha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diidey in uu cafiyo ka dib markii uu horey ugu ballan-qaadey in uu cafiyo.

Sheekh Aadan Sunne ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqey in uu xabsiga Hargeysa soo booqdo oo uu indhihiisa ku arko xaaladda dadka maxaabiista ee ku jirta xabsiga Hargeysa.

“Dalku wuu xanuunsanayaa oo caafimaad ayuu u baahan yahaye  ee makuu haboon tahay inaad jeelka Hargeysa soo booqato?” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne oo cajalad kasoo dhex duubey xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu baaqey in uu wax ka qabto dulmi  uu sheegay in uu ka jiro Somaliland iyo gaar ahaan xabsiyada.

“Madaxweyne dalkan waan soo wada joogney waayihiisana waan arkeynay Siyaad Barre waxaad kala hor tagtay halgan af iyo addinba ah dawladihii ka dambeeyay hadday tahay Cigaal, Rayaal iyo hadday tahay Siilaanyo waxyaabihii aad ku dhaliili jirtay waan joogney oo way qoran tahay dadka loo daadanayo ee guryahooda laga taxaabo ee la handido jeelasha iyo dulmiga jira iyo dadka la iska xidh-xidho ayaad ka hadlin jirtay, maanta miyaaney kuu garoobin wixii aad horey u ballan qaadey inaad socod siiso oo dulmiga dhacaya iyo dadka karaamadoodii lagu tumanayo inaad ka dul qaado” ayuu yidhi Sheekhu.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo kala duwan sheekhan xabsiga u taxaabtey iyadoo ku eedaynaysa in uu dalka ka wado  kicin dadweyne.

Goobjoog News