U bood dhigaalka

Hargeisa: Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Haweenka Somaliland, Akhriso Ujeedka Iyo Hiigsiga

Sheeko:Dalka

Shirweynaha dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland ayaa arbacadii waxaa uu ka furmay magaalada Hargeisa, shirkan ayey haweenka ku soo bandhigeen doonistooda la xiriirta xuquuq badan oo ay tabanayaan oo ay ugu horeyso ka qeyb galka siyaasadda. In kasta oo qaban-qaabiyeyaasha sheegeen in shirka ku koobnaa bulshada rayidka ah, hadana waxaa ka soo qeyb galay, kana hadlay mas’uuliyiin ay ku jiraan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,  wasiirka arrimaha shaqo-gelinta iyo qoyska Hinda Jaamac Gaandi iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyaga oo balan-qaaday in arrimaha meesha laga sheegay wax laga qaban-doono, waxaa kaloo joogay dad matalyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka.

Luul Xasan Mataan oo ka tirsan guddiga qaban-qaabada ayaa Goobjoog News uga warantay ujeedka shirka, iyada oo arrinkaas ka hadleysa waxaa ay tiri “Shirka waxaa uu ahaa dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland, sababtuna waa markii aan ogaaney in dumarka Somaliland ay ka maqan yihiin siyaasadda iyo fulinta, horay waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi u balanqaaday inuu haweenka siin-doono 30%, dhamaan axsaabta dalka ayaa balantaas qaaddey, tii wey dhici weydo oo wasiirrada waxaa ay haweenku leeyihiin 2 wasiir iyo wasiir ku xigeen, hal agaamise guud  oo maalgeshiga iyo warashada iyo hal xildhibaan… goleyaasha waxaa ay uun gabdho ka soo baxeen Owdal, Laas-caanood iyo Ceeri-gaabo oo magaalooyinka waaweyn waa naloo diiday…markii aan waxaas aragney, ayaa keenay in dhaq-dhaqaaqan aan sameyno, waana sidii aan ula hadli laheyd ciddii ay talada ka go’eysay, waxaana shirka  kasoo qeyb galay madaxweynaha iyo cid walbo oo khuseysay”.

Faa’isa Ow Cali Yusuf oo iyadaha shirka qeyb ka aheyd ayaa Goobjoog News u sheegtay hankoodawaa in dumarka siyaasadda qeyb ka noqdaan, haddii ay tahay baarlamaanka, wasiirrada, agaasimayaasha iyo dowladaha hoose, maadaama ay yihiin laf-dhabar waa iney helaan matalaad, waayo waxaa jirto meelo go’aan lagu gaaryo aan lagu sheegin baahidooda, dumarku waa iney helaan dumar kale oo matala, waana taas halka aan u soconno” ayey tiri Faa’iza.

Inkasta oo Somaliland ay doorashooyin ka dhici jireen 60-kii sano ee la soo dhaafay, dadkeeduna aqoon iyo ilbax yihiin hadana haweenka waa kuwoo dulman, xaqiiqooyinka jira waxaa ka mid ah: tan 1991-kii ma jirin gabadh murashax ahaan isu soo taagtay jadaga madaxweynaha iyo ku-xigeenka, ma dhicin inay haweeney noqoto Barasaab ama ay gasho golaha guurtida oo ka mid ah goleyaasha baarlamaanka kana kooban 82 xubin, xataa golaha wakiilada oo isna ka kooban 82 waxaa ay ku leeyhiin hal xildhibaan, waxaan intaas dheer weli madax loogama dhigin ama guddoomiye kama noqon mid ka mid ah kominshinnnada baarlamaanka ama kuwa kale, iskaba daa iney noqdaan xeer ilaalyaha guud ama guddoomiye maxkamade!

Sawirrada Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Haweenka Somaliland:

Goobjoog News

Mawduucyada:Somaliland