U bood dhigaalka

Hargeysa: 60-Sano Jir Laga Soo Saaray 3-Kiilo Oo Dhagax Ah

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ayaa dhawaan waxaa lagu qalay nin da’diisa tahay 60-sano jir, kaasi oo kaadi haysta laga soo saaray dhegax lagu qiyaasay Seddax Kiilo.

Bukaankaan oo magaciisu yahay Xuseen Hurre Axmed ayaa u waramay Wariyaheena Nimco Baashi Cabdi oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in xilli hore isaga oo 18-sano jir ah uu gaari ka dhacay, sidaa darteedna ay qaraxday Kaadi haysta, ka dibna ka ladnaaday markii la daweeyay, balse ay barya dambe kusoo kacday, isaga oo xanuunkaan la noolaa muddo aad u badan.

“1972 markii ay ahayd ayaan gaari ka dhacay, dabadeedna waan ka bogsaday, Laba Dumar ah baan guursaday oo Caruur baa ilaahay isiiyay, muddo dhaweyd oo 10-neeyo Sano ah ayaan xanuunsaday waliba si aad ah, kaadida ayaa I gubtay, Hargeysa ayaan imaadaa dhaqaatiir yar yar ah baan u tagaa, kaniini ayeey ii qoraan, anigane waan iska noqdaa oo daawadii la ii qoray baan iska iibsadaa, sidii aan saas u ahaa, ayaan markii dambe socon kari waayay, wax ii muuqda oo aan arkana ma jirin” ayuu yiri Xuseen Hurre.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in dhibaato xoogan uu ku hayay cudurkaan, islamarkaana uu iska daayay cuntadii uu cuni jiray niyad jab hayay darteed, sidoo kalena habeenkii aanu hurdi jirin, isaga xilli walba dareemi jiray xanuunkaasi.

Qaliinkaan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ka qeybgalay dhaqtar u dhashay dalka Ruushka oo kaashanayay dhaqaatiir Somaliland ah, iyadoo hadal haynta ugu badan hadda ay tahay arintani.

Goobjoog News