U bood dhigaalka

Hargeysa oo Laga Aas’aasay Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-469/022020, uu ku Aas-aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Aas aaska Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada
Jamhuuriyadda Somalilland

Markaan Arkay: Qodobbada 90aad, 11aad, 15aad, 16aad, iyo 20aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: In dhallinyarada dalku bud-dhig u yihiin dhismaha cududda Qaranka, isla markaana ay muhiim tahay in si mug iyo miisaan leh loo eego duruufaha kala duwan ee ku gadaaman Dhallinyarada;

Markaan Arkay: In dhiiri-gelinta iyo taageerada hal-abuurka iyo curinta dhallinyaradu muhiim u yihiin horumarka iyo dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Ku Qancay: In Qaranku baahi weyn u qabo ka faa’iidaysiga maskaxda iyo xooga culayga ah ee dhallinyarada iyo abuurista fursado dhaqaale oo bud-dhig u noqon kara jihaynta xooga dihin ee dhallinyarada;

Markaan La Tashaday:Laamaha Dawladda ee ay khuseyso;

Waxaan soo saaray;

Qodobka 1aad
Aasaaska Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland

1) Waxa halkan lagu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sanduuq dhaqaale oo ka shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka.

2) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo lagu maalgeliyo ganacsiga iyo xirfadaha hal-abuurka ee Dhallinyarada Dalka, taasi oo lagu siin doono hab dayn ama deeq ahaaneed, kolba sida ay ku habboonaato.

3) Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

4) Xarunta guud ee Sanduuqu waxay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, hasa-yeeshee waxa uu Sanduuqu laamo ku yeelan karaa Gobollada Dalka, haddii loo baahdo.

Qodobka 2aad:
Ujeedooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda

Ujeedooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyaradu waa:

1) Dhiirigalinta iyo gacan qabashada dhallinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

2) Maalgalinta dhallinyarada la yimaadda hal-bauur ganacsi iyo xirfadeed ee u baahan gacan qabasho dhaqaale.

3) Abuuridda fursado shaqo oo hor leh iyo maalgelinta ganacsiga raandhiiska leh iyo xirfadaha dhallinyarada dalka, si loo gaadho horumar waara.

4) Dhiirigelinta ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee dhinaca horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo daboolidda baahida dhallinyarada hal-abuurka ganacsi lihi u qabaan maalgashi dhaqaale oo aan lahayn dul-saar iyo shuruudo maaliyadeed.

5) Gacan ka gaysashada in dhallinyaradu abuurtaan shaqooyin, una noqon lahaayeen shaqo bixiyayaal (Employers), halkii ay mar walba ka noqon lahaayeen shaqaale (Employees).

Qodobka 3aad
Shaqooyinka Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland

Masuuliyadda iyo waajibaadyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada, waxa ka mid ah:
1) In uu dejiyo siyaasadaha maalgalinta dhalinyarada hal-abuurka iyo curinta leh ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

2) In uu dejiyo, isla markaana curiyo qorsheyaal iyo istaraatijayado lagu dhiirigelinayo dhallinyarada hal-abuurka leh.

3) In uu abuuro saaxad Dhallinyarada Somaliland ku tartami karaan hal-abuurkooda iyo hindiseyaashooda maangalka ah ee maalgalinta u baahan.

4) In uu diyaariyo, isla markaana fuliyo barnaamijyo dhallinyaradu ku soo bandhigayaan fikradahooda, hibooyinkooga iyo curintooda maskaxeed.

5) In uu dhallinyarada ku tartansiiyo hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsi ee maalgalinta iyo dhiirigalinta u baahan.

6) In uu baahiyo isla markaana xayaysiiyo barnaamijyo maalgalineed oo loogu talogalay in dhallinta hal-abuurka iyo curinta maskaxeed leh lagu abaal mariyo laguna maalgaliyo.

7) In uu maalgalin lacageed iyo mid niyadeedba siiyo dhallinta hal-abuurka iyo curinta leh ee ku guulaysata barnaamujyada maalgalinta ah.

8) In uu dhallinyarada Somaliland tuso in Qaranku u baahan yahay maskaxdooda iyo muruqoodaba; lana abuuro saaxad dhallinyaradu kaga qayb-galaan horumarka dalka.

9) In uu ku wacyi galiyo bulshada ujeedada iyo faa’iidooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland.

10) In uu ka siiyo tallooyin Madaxweynaha siyaasadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hal-abuurka iyo curinta faa’iidada leh ee ay la yimaadaan Dhallinayarada Somaliland.

11) In uu diyaariyo warbixinta Sanduuqa, una gudbiyo Madaxweynaha iyo meelaha kale ee sharcigu waajibiyo.

12) In uu wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la yeesho Hay’adaha Qaranka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ay shaqo-wadaagta yihiin, raaadiyana barnaamijyo lagu maalgalinayo dhalinyarada hal-abuurka leh ee dalka.

13) In uu qaado tallaabo kasta oo uu ku xaqiijinayo hirgelinta ujeedooyinka loo abuuray sanduuqa horumarinta dhalinayarada JSL.

Qodobka 4aad
Qaab-dhismeedka Maamulka Sanduuqa

1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Guddi Sare oo maamul (Board of Directors) oo ka kooban:

a) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha =Guddoomiye=
b) Guddoomiyaha Gaboodka Haweenka ee Nagaad =G/ku-xigeen=
c) Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland SONYO =Xoghaye=
d) Wasiirka Horumarinta Maal-geshiga =Xubin=
e) Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska =Xubin=
f) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga =Xubin=
g) Laba Xubnood oo Qaadhaan-bixiyayaasha metela =Xubin=
h) Saddex Xubnood – Shirkadaha Ganacsi ee waaweyn ee dalka =Xubin=

2) Xubnaha ay soo magacaabaan Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, waxa ay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ahna Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadba haya xilka.

3) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Agaasime Fullineed, oo uu soo magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka 5aad
Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa

Shaqooyinka Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada waxa ka mid ah:

1) Hoggaaminta guud ee Sanduuqa iyo Dejinta, hubinta iyo hirgalinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dhaqaajinta Sanduuqa.

2) Dejinta siyaasadaha iyo qorsheyaasha lagu maalgalinayo hal-abuurka dhallinyarada Somailland ee Sanduuqu ku shaqaynayo.

3) Hubinta in dhaqaalaha Sanduuqa loo isticmaalay hawlihii loogu talo galay, loona isticmaalay si waafaqsan xeerarka iyo qorsheyaasha loo dajiyay barnaamijka Sanduuqa.

4) In ay masuul ka noqdaan hagidda, maamulidda, daba-galka, qiimaynta iyo kor kala socoshada dhammaan fulinta hawlaha iyo mashaariicda Sanduuqu hirgalinayo.

5) In ay hagaan, hogaamiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, si loo sugo fulinta hawlihii la qorsheeyey.

6) In ay qabtaan shaqo kasta oo kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u igmado.

Qodobka 6aad
Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa

1) Awoodaha shaqo ee Agaasimaha Fulinta waxa ka mid ah:

a) Hoggaaminta guud ee Hawl-maalmeed Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada.

b) Socod-siinta, hagista iyo maamulida dhammaan hawlaha Sanduuqu u xil-saaran yahay ee awoodiisa ah, isla markaana ay ansixiyeen Golaha Sare ee Sanduuqu.

c) Maamulka iyo maaraynta hawl-maalmeedka shaqo ee Sanduuqa.

d) Fulinta siyaasaddaha, qorsheyaasha iyo barnaamijyada Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada ee ay dajiyeen Guddiga Sare ee Sanduuqu.

e) Qorshaynta, qaabaynta iyo fulinta hawlaha Sanduuqa, kadib marka ay u ansixiyaan Guddida Sare.

f) Diyaarinta miisaaniyadda iyo kharashaadka Sanduuqu u baahan yahay; iyo u gudbinta Guddida Sare si loo ansixiyo.

g) Diyaarinta warbixinaha kala duwan ee Sanduuqa Hormarinta Dhallinyarada.

h) Diyaarinta fagaarayaasha lagu soo bandhigayo hidisayaasha iyo hal-abuurada dhallinyarada dalka.

i) Wacyi-galinta iyo dhiirigalinta hal-abuurka iyo curinta fikradaha ganacsiga iyo xirfadaha dhallinyarada.

j) Qabashada tartamada lagu xulanayo dhallinyarada hal-abuurka ganacsi la timaada.

k) Ka hawl-galida in dhaqaale iyo deeqo loo helo Sanduuqa.

l) Fulinta dhammaan go’aamada, wareegtooyinka, qorsheyaasha iyo tallaabooyinka maamul ee ka yimaad Guddida Sare.

m) Diyaarinta warbixinaha Sanduuqa (Activities Report) oo bille, Saddex biloodle iyo Sannadle ah, waxaana loo gudbinayaa Guddida Sare ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada.

n) Fulinta shaqooyinka ay Guddida Sare ee sanduuqu u igmato.

Qodobka 7aad
Dhaqaalaha Sanduuqa

Dhaqaalaha Sanduuuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka kala imanayaa ilaha dhaqaale ee kala ah:

1) Qoondada Miisaaniyadda Qaranka.

2) Kaalmooyinka iyo tabarucaadka ganacsatada iyo muwadiniinta.

3) Deeqaha Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah.

4) Daymaha si sharciga waafaqsan loo qaato,IWM.

Qodobka 8aad
Hab-Xisaabeedka Sanduuqa

1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradu waxa uu ka furan karaa Lambar Xisaabeed (Bank Accounts) Baananka Dalka.

2) Qaab-xisaabeedka Sanduuqu waa inuu ahaado mid sax ah oo hufan, islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashka, taas oo ku salaysan hanaan xisaabeedka dalka.

3) Dhammaan Lambar Xisaabaadka Sanduuqa ee ka furan Baananka waxa uu yeelanayaa laba saxeex oo kala ah Guddoomiyaha Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa.

Qodobka 9aad

Xisaab-xidhka Sanduuqa

1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxaa ku waajib ah in uu sameeyo xisaab xidh saddex bilood ah, oo ay ku xusan tahay:
a) Cadaynta xisaab xidhka iyo hadhaaga xisaabadka lacageed, hadduu jiro.
b) Caddaynta Hawlaha shaqo ee ay ku baxeen kharashaadka baxay.

2) Sanduuqu waa in uu xisaab-xidhkiisa u gudbiyo Guddida Sare, Guddida Sarena ay u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.

Goobjoog News