U bood dhigaalka

Hargeysa Oo Laga Hirgaliyey Adeeg Caafimaad Oo Wareegga

Sheeko:Caafimaadka

Koox dhallinyaro ah oo ka kooban dhaqaatiir iyo xirfadlayaal ayaa waxaa ay adeegyo caafimaad oo kala duwan ay ka sameeyaan magaalada Hargeysa.

Kooxdaan mihnalayaasha caafimaadka ah ayaa waxay dadka ugu tagaan guryahooda iyo goobaha kale ay ku suganyihiin iyaga oo u fidiya adeegyada caafimaad oo ay u baahanyihiin hadba cidda ay u adeegayaan.

Muxiyadiin Cabaraxmaan Xasan waa guddoomiyaha ururkaani Caafimaad oo lagu magacaabo MOHCO waxaa uu sharraxayaa sida ay u shaqeeyaan ka urur ahaan.

“Barnaamijkaani waa adeeg caafimaad oo wareega, Barnaamijkaani nidaamka uu u shaqeeyo waa habka ay u shaqeeyaan ururada caafimaadka wareega ee dunida, qofka caafimaadka waxaan ku gaarsiinaa isaga oo jooga gurigiisa wixii adeeg caafimaad oo qofka uu uga baahan lahaa Isbitaalka waxaan u soo qabanaa isaga oo gurigiisa jooga”.

Adeegyada ay qabtaan ururkaani ayaa waxaa ka mida in qofka gurigiisa ay ugu geeyaan dhaqtar, qaadista dhiigagga, gudniinka caruurta iyo dhayidda nabarada.

Fikir kasta oo ka yimaada Aadanaha  waxaa jirta sabab keenta in la curiyo hadaba waa maxay sababta dhallinyaradaan ku ka liftay in adeeggaan caafimaad ay ka bilaabaan Hargeysa.

Muxiyadiin Cabaraxmaan Xasan “Markii ugu horreysay Barnaamijkaan waxaa nagu ka lifay markii aan aragnay baahiyaha caafimaad ee wadanka ka jira iyo Isbitaaladii oo adeegga ay bixinayaan qaali ah iyo baahidii oo jirta oo badan marka labadaas shey markey soo baxeen ayaan aragnay in halkaasi ay fursad ka banaantahay”.

Muddadii ay dhallinyaradaani ay shaqeynayeen waxaa jira dad ka faa’ideystay adeegyada caafimaad oo ay bixiyaan .

Dhallinyaradaan ayaa waxaa ay noqonayaan kooxdii ugu horreysay oo ka kooban dhaqaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad oo adeeg caafimaad oo ceynkaan oo kale ah ka fuliya magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Goobjoog News