U bood dhigaalka

Hargeysa: Qof Ku Dhex Dhintay Haan Shidaal

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in Hal qof uu ku dhintey Haan dhidaal, iyadoo Labo kalena lasoo badbaadiyey.

Haantan oo ku jirtay dhulka Hoostiisa ayaa waxaa galay si ay usoo nadiifiyaan Saddexdan qof, hase ahaatee waa ay ku neef qabtoomeen, iyadoo Labo ka mid ah ay u suurtagashay iney banaanka usoo baxaan.

Axmed Maxamed Sawaaxili oo ah taliyaha ciidamada dabdamiska Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in dhankooda loo so qeylo qaaday si ay usoo badbaadiyaan qofka gudaha ku haray, balse nasiib darro uu dhintay.

Ruuxa dhintay ayuu taliyaha magaciisa ku sheegay C/fitaax Maxamuud Cismaan, wuxuuna taliye Sawaaxili ka digay in gudaha loo galo haamanka shidaalka, waliba kuwa dhulka hoostiisa ku jira.

Kaalmaha shidaal ee ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa mararka qaar waxaa gudaha u gala dad la sheegay iney soo nadiifiyaan.

Goobjoog News