U bood dhigaalka

Hargeysa: Wadaad Lagu Eedeeyay Argigixisnimo Oo La Xukumay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Hargeysa ayaa Xabsiga dhigtay Mid ka mid ah Wadaadad ku nool Magaalada, kaasi oo lagu eedeeyay Falal la xiriira Kicin dadweyne.

Wadaadka ayaa lagu magacaabaa Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne), waxaana lagu eedeeyay Falal la xiriira Argigixisnimo iyo kicinta dadweynaha.

Sheekhan ayaa waxaa lagu xukumay xasbsi dhan muddo 5-sano ah waxaa sidoo kale la xiray 17 dhallinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen Xertiisa kuwaasi oo iyagana lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 1-9 sano.

Sheekh Aadan Sunne ayaa horay loo xiray sanadkii 2017 xilligaas oo lagu eedeeyay buun buuninta falal la xiriira xagjirnimada iyo Kicinta dadweynaha

Goobjoog News