U bood dhigaalka

Hargeysa: Wiil Dhallinyaro Ah Oo Xirfadda Tabinta Ciyaaraha Ku Shaqeysta

Sheeko:Cayaaraha

Maxamed Baaruud Samatar waa wiil dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somalilnad, waxaa uu ku shaqeystaa Xirfadda ciyaar tabinta ee garoomada lagu ciyaaro ku badda Cagta.

Maxamed waxaa uu Muddo saddex sano ah uu baranayay Luqadda Carabiga waxaa uuna Ciyaaraha ku tabiyaa Afka Carabiga, hadda waxaa uu noqday qof looga yeero garoomada waaweyn ee Magaalada Hargeysa si uu u tabiyo Ciyaaraha ama uu u xayisiiyo.

Maxamed ayaa Goobjoog News waxaa uu uga waramay waxyaabaha keenay in uu doorto shaqadaan waxaa uuna yiri “Qof kasta oo dunida Jooga ilaahey waxaa uu u abuuray wax uu jecelyahay, aniga waxaa aan doortay in aan Noqdo nin Ciyaaraha Tabiya aduunkana ka noqda Caan”.

Garoomada uu wiilkan ka tabiyo Ciyaaraha ayaa ah kuwo aad u xamaasad badan waxaana soo buuxiya Garoonka uu Markaasi ka tabinayo Ciyaarta dad badan oo u soo daawo taga tabintiisa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada