U bood dhigaalka

Harriett Baldwin: UK uma Aqoonsana Somaliland Inay Tahay Dal Madax-bannaan, Wareysi

Sheeko:Dalka

Wasiiru-dowlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa todobaadkan booqasho ku yimid Soomaaliya.

Haddaba, Harriett Baldwin waxaa ay wareysi gaar ah siisay Goobjoog News, waxaa qaaday Axmed Weli Xuseen. Akhriso Halkan:

Goobjoog News: Maxaad Ka Wada hadasheen Madaxda Dowladda?

 Harriett Baldwin: Haa,  waan ku faraxsanaa inaan Muqdisho soo booqdo oo aan ra’iisul-wasaaraha kula kulmo Villa Somalia, sida aad ogtahayna UK waxay saaxiib dhaw waqti dheer la ahayd dadka Soomaaliyeed, waxaan halkaan joognay sannado badan innagoo taageereynay geddi-socodka nabadda iyo ammaanka islamarkaana xaqiijinaya gargaar bini’aadannimo oo ku filan inay gaarto dadka ku jiray xilliyadii adkaa, waxaana sidoo kale u sii joognaa halkaan sidii aan mustaqbalka qeyb uga noqon lahayn horumarinta dhaqaalaha kala-guurka amniga, iyo Boliiska waliba rajadeennu waa inaan la sii joognaa dadka Soomaaliyeed sanada na soo aaddan.

Goobjoog News: Kaalintiinna Ee Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada?

 Harriett Baldwin: Waxaan kulanka la qaatay ra’iisul-wasaaraha anigoo ka socda boqortooyada Ingiriiska waxaan sidoo kale uga hadalnay wadahadalladaas arrimo ku saabsan waddamadeenna, tusaale ahaan muddo 300 oo sano ah waxaa jiray wada-xaajood ku aaddan Scotland sidii ay u qeyb uga noqon lahayd dalka Ingiriiska ama Scotland ay u noqon lahayd dalka madax-bannaan, arrinta muhiimka ah waxay tahay inaan xallinnay arrimahaas ee ka jirtay boqortooyada Ingiriiska innagoo u mareyna qaab dimuqraadiyadeed, dood, in loo qaado afti, doorashooyin marka waa muhiim in dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada inay ka wadahadlaan doorka muhiimka ah ee uu siinayo dastuurka si loo helo Soomaaliya xasilloon oo nabad ah.

Goobjoog News: UK, ma taageysaa in Xayiraadda Hubka Laga Qaado Soomaaliya?

Harriett Baldwin: Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan marka la eego xilliga kala guurka ah ee lagu gaarayo xaalad deggan oo amni ah dalkan ka hirgasha, waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka shaqeyneyno adiguna waad ku saxan tahay inaad iftiimiso kaalinta qaramada midoobay, usbuucii hore waxaa ka dhacay Newyork shirkii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, waxaana awood u helay inaan shir guddoomiyo isu-imaatin calami ah oo ay qeyb ka ahaayeen saaxiibbo badan oo ka kala yimid adduunka oo Soomaali ah , waxaan isleeyahay rajo wanaag ayaa jira ee horumarka la gaaray ah gaar ahaan horu-kaca dhaqaalaha, waxaan isleeyahay wali caqabado ayaa jira marka la eego xilliga kala guurka labadaba ciidamada Soomaaliya laakiin UK iyo beesha caalamkaba waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha lana sii adkeeyo joogitaankooda Soomaaliya si ay wax uga qabtaan arrimaha aad I weydiisay.

Goobjoog News: Ma Jirtaa Xanta Ah In UK Aqoonsaneyso Somaliland?

Harriett Baldwin: Maya, UK uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, waana gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed iyagoo u maraya geeddi socodka siyaasadeed iyo doodaha dastuurka inay iyagu wadahadlaan go’aanna ka gaaraan sida ugu habboon ee Soomaaliya horey loogu sii wadi karo.

Goobjoog News: Sidee Loo Baaqsan Karaa 14 October?

 Harriett Baldwin: UK waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay weerarkii Muqdisho ka dhacay ee sannad-guuradiisii 1aad ay nagu soo fool leedahay waxaana garab taagannahay dadka Soomaaliyeed, waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliyeed markaas ayaan heleynaa Soomaaliya oo nabad iyo ammaan ah mustaqbalka waana ka guuleysan karnaa argagixisada sida Alshabaab.

Goobjoog News

Mawduucyada:Somaliland