U bood dhigaalka

Hartidhowraha Qaranka, Ergayga Abaaraha iyo Madax Ka Tirsan Bankiga Adduunka oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka  Maxamed Maxamuud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha  Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa maanta kulan la yeeshay Isu-duweyaasha Mashaariicda muhiimka ah ee Bangiga Adduunku uu maalgaliyo, iyaga oo kawada hadalay arrimo dhowr ah oo ku aadan Abaaraha.

Kulanka oo diiradda lagu saarayay arrimaha gurmadka abaaraha iyo xoojintooda ayaa waxaa warbixinno qotodheer looga dhagaystay Isu-duweyaasha qaar ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee qaybta ka noqon doona dadaallada looga jawaabayo abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

Ergayga gaar ah ee arrimaha abaaraha u qaabilsan madaxweynaha Jamhuriyadda, waxaana muddooyinkii dambe uu waday kulamo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu ay saamaysay ee ku nool gobollada kale duwan ee dalka, waxaana maanta Ergaygu uu sheegay in la shaacinayo Akoonnada gurmadka looga qeyb qaadanayo.

Goobjoog News