U bood dhigaalka

Hawada Soomaaliya Oo Muqdisho Laga Maamuli Doono Todobaad Kadib

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar  ayaa isaga oo ku sugan dalka Canada wuxuu ka hadlay xilliga ay dowladda Federaalka ah ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto maamulka hawada dalka.

Wasiirka oo wareysi isiiyey VOA ayaa sheegay in Labo todobaad kadib oo ku beegan 28-ka bishan la daah furi doono xafiiska laga maamulayo hawada, lana qaban doono munaasabad ballaaran.

Sidoo kale wasiir Oomaar ayaa sheegay in hadda gabogabo marayo rakibista qalabkii lagu maamuli lahaa hawada.

“Illaahaa mahadda leh waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyeed sidii aan balanqaadnay in 28ka bishan aan si rasmi ah ula wareegno Hawadad Soomaaliya,waxaanu qaban doonaan xaflad ballaaran oo lagu dahfurayo xafiiska”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in inta laga helayo shaqaale Soomaaliyeed oo si rasmi ah ula wareegga shaqada hawada ay jiri doonaan  dad ajaaniib ah iyo sidoo kale hay’adda ECAO ay shaqada ku lug yeeshaan iyo sidoo kale in shaqaale Soomaaliyeed lasii tababaryo.

“Dad ajinabi ah iyo kuwa kale ee Hay’adda ECAO way ku lugyeelan doonaan ilaa aan tababarno shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda Soomaaliya,malintii aan u diyaar garowno in aan awood u yeelano sirasmi ah ayay shaqaalaheena shaqada kelidooda maamulidoonaan,inta ka horeysay tababara ayaan siinaynaa,balse muhiimaddu waa in dowladda Soomaaliya ay lasocoto maamulka Hawadeeda” Ayuu yiri Wasiir Omar.

Wixii ka dambeeyay markii la riday dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre waxaa gacanta ka baxday maamulka hawada dalka oo ay hay’ado ajaaniib ah hayeen.

Goobjoog News