U bood dhigaalka

Sool: Haween Ka Dibadbaxay Qiimo Kordhin Lagu Sameeyay Canshuurta Qaadka

Sheeko:Dalka

Haween ganacsato ah oo ku nool magaalad Laascaanood ayaa isku soo bax ay kaga soo horjeedeen cashuur ay wasaaradda maaliyadda ee Somaliland ku kordhisay ganacsade Maxamed Cabdi Caraale Jabuutaawi oo deegaanada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda kana ganacsada qaadka, ka dhigay gudaha magaalada, taas oo ay sheegeen in gacansigooda si toos ah ay u taabatay.

Haweenkan oo ka ganasada qaadka oo socod ku maray gudaha magaalada ayaa waxay wasaaradda kaga cawdeen inay caqabad ku tahay horumarka ganacsiga gobolka Sool iyaga oo tusaale u soo qaatay ganacsiga qaadka ee Jabuutaawi oo ay sheegeen inay cashuur laba jibaar ah lagu soo rogay, marka loo eego ganacsatada kale ee gudaha Somaliland ee qaadka ka ganacsada, haweenkan ayaa sheegeen inay sii wadayaan isku soo baxoodan haddii ilaa ay wasaaraddu tallaabadaasi ka noqonayso .

Cambaro Caaqil oo ka mid ahayd haweenkan ayaa waxay tiri “ in ganacsigu horumaro deegaanada Sool waxay qayb ka qaadanaysaa horumar laga sameeyo dhinaca nabadda Somaliland, in badan ayey ku cel-celisaa nabadda ayaanu la rabnaa Sool maanta taas dib ha u xusuusato o cashuurta aanu sharci darrada u aragno haka dayso dadka ganacsiga ka wada gobolka”.

Haweenkan oo saacado badan marayey jidadka magalada Laascaanood waxay sheegeen in cashuurtan labo jibaarka ahi ay ku kooban tahay oo kaliya ganacsadahan reer Laascaanood oo iyagu ay leeyihiin xirriir ganacsi oo dhanka qaadka waxayna sheegeen inay taabanayso nolosha gancastada yar yar ee kale .

Xaliimo Cabdi oo iyaduna ka mid ahayd haweenkaasi, ayaa  iyaduna waxay xustay in xukuumadda Somaliland waajibka saaran uu yahay sidii ay u dhiirigelin lahayd dadadka ganacsiga dalka ka abuuraya ee dhaqaalahana soo gelinaya.

Ganacsadahan Maxamed Jabuutaawi ee ay haweenkani u doodayaan ayaa muddo sannad ku dhaw waxa uu deegaanada Sool iyo Sanaag uu ka waday ka ganacsiga qaadka iyo qalabka soolarka ee ku shaqeeya tamarta qoroxda ee laga dhaliyo korontada .

Goobjoog News