U bood dhigaalka

Haween Waday Maandooriyaha Qamriga Oo Lagu Qabtay Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Haween waday maandooriyaha Qamriga.

Cabdi Gurey oo ka mid ah saraakiishan ayaa u sheegay Goobjoog News in Qamrigan laga soo gudbiyay dhanka dalka Itoobiya, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen 6 kartoon.

Waxa uu tilmaamay in hab ganacsi ah loo soo geliyay degmada Luuq, islamarkaana ciidamada Booliiska ay gubeen.

Haweenka ay xireen ayuu sheegay inay ahaayeen Labo, islamarkaana da’doodu ay kala tahay 20-sano iyo 18-sano jir.

Sarkaal Gurey ayaa sheegay in maalmaha soo aadan Hawenkani lasoo taagi doono maxkamad islamarkaana lagu xukumi doono waxa uu sharciga ka qabo.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale waxay degmada Luuq ugu qabteen maandooriyeyaal isugu jira Xashiish iyo Qamri kuwaa oo inta badan laga keeno dalka Itoobiya.

Goobjoog News