U bood dhigaalka

Haweenay Ka Dambeysay Dilka Kim Jong Nam oo Lagu Qabtay Dalka Malaysia

Sheeko:Dalka

Booliska dalka Malaysia ayaa Arbacadii sheegay in gacanta ay ku dhigeen haweenay Myanmar ah, isla markaana ay raadinayaan ajaanib kale kuwaas oo ku lug lahaa dilkiisa Kim Jong-un, madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi walaalkii.

Boolisk ayaa sheegay in haweenaydan la qabtay ay wadato baasaaboor Vietnam ah, waxaana lagu qabtay Airport-ka Kuala Lumpur, waxaana lagu ogaaday Kaamaradaha qarsoon ee Airportka oo sawirkeeda soo qabtay iyadoo aaney cidina la socon oo kaligeed ah.

201702150923252325

Boolisk ayaa sheegay in haweenaydan wadatay documentiyo ay ku qoran yihiin magaca Doan Thi Hong iyo taariikhda dhalashadeeda 1998, iyo goobta dhalashada oo ah Nam Dinh, Vietnam.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa dalka Malaysia lagu dilay hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya walaalkiis oo la yiraahdo Kim Jong Nam oo 45 jir ah oo lagu dilay airportka magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Maleysia.

Goobjoog News