U bood dhigaalka

Haweenaydii Ugu Da’da Weynayd Adduunka oo Geeriyootay

Sheeko:Dalka

Nabi Tajima oo u dhalatay dalka Japan ahaydna haweenayda la aaminsan-yahay iney ahayd qofkii ugu da’daweyn Adduunka ayaa Sabtidii  geeriyootay iyadoo da’deedu ay sii caga-cagaynayso 117-sano jir.

Sida ay qortay wakaaladda Wararka Japan ee Kyodo News, Tajima oo dhalatay 1900, waxay u geeriyootay cudurka duqnimada waxayna ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Jasiiradda Kagoshima ee koonfur-galbeed dalka Japan.

Guinness World Records ayaa baarintaanno ku sameyay haweenaydan sanadkii hore, kadib markii ay geeriyootay haweenaydii ugu da’daweynd dunida Violet Brown ee kasoo jeedday dalka Jamaica.

Sidoo kale, waxaa buugga Guinness lagu qoray horraantii bishan, Masazo Nonaka oo u dhashay dalka Japan, waxa uu noqday ninka ugu da’daweyn adduunka oo si rasmi ah loogu diiwaangeliyay recordkaas.

Dalka Japan ayaa tirada dadka cimriyay  waxaa ay gaareen 67,824, halka ay sanadkii 1963 ka ahaayeen 153 qof oo kaliya.

Goobjoog News