U bood dhigaalka

Haweeneey Soomaali ah oo Xildhibaan Ka Aheyd Gudaha Ingiriiska oo Iscasishay

Sheeko:Baarlamaanka

Raaqiyo  Mohammed Ismail oo u dhaltay Soomaalida UK,  kana tirsaneyd xisbiga shaqaalada wasdanka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xubintii xildhibaannimo ee xisbiga, kadib markii ay khudbad ay ka hor jeedisay shirkii guud ee golaha xisbiga.

Raaiyo ayaa xustay in ay is casilaadeedy ay ka dambeysay kadib markii ay dareentay inaan la ixtiraameynin, lana faquuqaayo sida ay hadalka u dhigtay, waxaana intaas ay ku dartay in ay noqotay duqii magaalo ugu horeeyey oo Xijaaban gudaha wadanka Ingiriiska.

“ Lix sano ee la soo dhaafay inta lagu gudo jiray waqtigeyga, waxaan dareemay qiimaheyga inaan la ixtiraamin, hoggaanka iyo xubnaha, waan ka xumahay in ay dhacdo tah. Waxay noqotay duqii magaalo ee ugu horreeyay ee Xijaaban gudaha dalka Ingariiska” ayey tiri xildhibaanad Raaqiyo Maxmed Ismaaciil.

Raaqiyo  Mohammed Ismail oo muwaadin Soomaaliyeed ah ayaa sanadkii 2019-ka waxaa loo doortay duqa magaalada Islington, kadib kulanka sanadlaha  ah ee golaha deegaanka Holloway, waana haweyneydii ugu horeysay oo qabato duq magaalo ka tisan Boqortooyada wadanka Ingiriiska.

Raqiyo oo u dhatay Soomaaliya ayaa wadanka Ingiriiska qaxooti ku gashay sanadkii 1980-yadii sida la wariyey, waxaana ay ku nooleed degmada tan iyo sanadkii 1993-kii, waxaana markii ugu horeysay loo doortay golaha Islington sanadkii 2012-kii iyadoo ku-xigeen ka noqotay duqa magaalada sidoo kale.

Goobjoog News