U bood dhigaalka

Haweeney Ganacsato Ahayd Oo Lagu Diley Baydhabo

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dileen Haweeney la sheegay iney kamid ahayd ganacsatada magaaladaasi.

Xaafad lagu magacaabo Mursal, kana mid ah magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in lagu diley haweeneydan, iyadoo raggii dilka fuliyey ay halkaasi ka carareen.

Goob joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka howlgal ay sameeyeen kadib ay soo qabteen Labo nin oo la sheegay iney iyaga dilkaasi ka dambeeyeen.

Ragga dilka lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen ayaa lagu hayaa saldhigga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana ku socda baaritaan.

Lama oga illaa iyo haatan sababta ay u dileen haweeneydaan, iyadoo haweeneyda la diley magaceeda lagu soo gaabiyey Xamarey.

Dilalka qorsheysan ayaa marar badan sidan oo kale waxay uga dhaceen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana magaaladaasi ay xarun KMG ah u tahay maamulka K/galbeed.

Goobjoog News