U bood dhigaalka

Haweeney Ka Taajirtay Iibinta Shaaha

Hab Nololeedka Shaqo ee qofka bini’aadamka ahi uu ku raadsado nolol waa ay farabadan yihiin , waxaa jira qaar xoogooda  ku xamaasha , kuwo xirfad  u gaar ah leh, iyo  aqoonyahanno   qalin maal ah.

Xaliimo Maxamuud Xasan oo caan ku ah Abkow waxa ay da’deedu kor u dhaaftay Lixdan sano , waxa ay ku shaqa bilowday  inay shaah ku iibiso hareeraha waddooyinka , gaar ahaan suuqa  Xamarweyne  halkaas oo nolosha reerkeeda ay ka raadsan jirtay .

Xaliimo waxa ay soo korisay badi carruurteeda oo agoon ah iyadoo waxbarasho , caafimaad iyo noloshooda ka raadinaysa shaaha ay iibin jirtay .

Maamo Abkow oo 15, sano  ku guda jirtay howshan ayaa  qirsan shaah karintu inay tahay wax u baahan xirfad oo aanay ahayn kaliya iska kari .

Waatan Xaliimo Maxamuud Xasan (Abkow) oo ugu horrayn ka hadlaysa sida Shaahu uu uga qayb qaatay korriimada carruurteeda iyo Mustaqbalkooda.

Shaahu waa ilma koris , adduunyadu waa sida aad adigu u aaminto shaqada aad qabanayso , haddii aad aaminto shaqadaada run ahaantii horumar waad samayn kartaa , magac iyo lacag intuba waan ka shaqeeyay shaahan , carruur baan ka kororsaday , ilmo baan wax ka baray oo qaarkood aanba yurub u dirsaday, shaaha agtayda dheel dheel kama ahan “.

Xaliimo Maxamuud Xasan Abkow waxa ay  bilowday shaqadan iyada oo hami iyo han badan u leh inay hormar ka gaarto shaah karinta oo nafteeda , tan reerkeeda iyo carruurteeda mustaqbalkooda ay wax u qabato

Waxaa ilaahay uu la garab galay in hamigeeda uu u rumeeyo waxaana hadda  Abkow ay tahay qofka kaliya ee taajir u ah reerka iyadu ay ka soo jeedo.

Carruurteeda Saddex ka mid ah waxa ay ka gaysay qaaradda Yurub oo aan ognahay in badi dhallinyarteennu ay u tahriibaan, laakiin Xaliimo Abkow waxa ay carruurteedu ku dirtay qaab sharci ah oo ma aanay marin badda , lacagtaas oo ay ka shaqaysay shaahan ay ku iibiso qolkan afarta mitir ah .

“ Run ahaantii carruurtayda saddex ka mid ah waxaan u diray yurub ,  waxaa suuragal ah in aad iswaydiinayso iminka sidee ? , I rumayso waxaan carruurtaydaasi ka diray dhamaantood lacag aan ka tacbay shaaha aan  halkan ku iibiyo , waxaa intaasi dheer in gabar afaraad aan dhawaan u diray sacuudiga halkaas oo ay iminka si sharci ah ugu nooshahay, marna ma ilaabi doono shaaha sida uu noloshayda uga qayb qaatay waa saaxiib dhow oo aan leeyahay”.

Macaamiisha ugu badan ee timaadda Mehradda Abkow waxaa u badan dhallinyarada ciyaartoyda ah  iyo odayaasha oo galbahii yimaada halkan  .

“ Ugu badnaan macaamiishayda waxa ay yihiin dhallinyar iyo odayaal , halkii koob ee shaah qofkii cabana uma baahna kaniini madax xanuun ah “.

Inkasta oo hadda suuq xumi ay ka jirto ganacsiga shaaha hadana maama Abkow ma aysan ka rajo dhigin iyadoo ah qof da’ah inay iska joojiso shaaha .

Koobkii waxaa lagu cabaa lacag dhan  Saddex kun oo Shilling Soomaali ah  .

Xaliimo ayaan su’aalay  inay ka samaysay  ganacsigan hanti ma guurto ah  ? iyo waxa ay dareento  marka ay aragto dad ka faanaya ganacsigan shaaha amaba aan aaminsanayn in lacag laga samayn karo? Waxayna bixisay jawaabtan.

“ Hanti ma guurto ah waan ka samaystay ganacsigan intii aan ku guda jiray , xoolo waan ka iibsaday carruurtiina waan ka dirsaday , tan kale waxaan la yaabaay marka ay dadka qaar dhahaan shaah qof iibiya faa’iido ma lahan runtii hadaladaas waa  war aan u jeedo fog lahayn”.

Intro Aniga.

Xaliimo Abkow ayaa ii sheegtay in marnaba aysan joojin doonin shaqadan ilaa bay tiri qadar alle ay iigu timaado .

“ Ilaa ti alle ay ii timaado ma joojin doono shaqadan oo iskama dhaafi doono , waan jeclahay ka sokow shaqo ahaan waayo shaahu wuxuu ii yahay weel aan leeyahay , si kale haddii aan u dhaho haddii dumar aynu nahay shaah  marwalba waan Karin lahayn marka ma joojinayo ganacsigan ilaahay igu irsaaqay ina soo dhaafiyay waqtiyo adag oo nolosha ah “.

Intii aan ku sugnaa mehradda Xaliimo Maxamuud Xasan waxaa kursigii qof uu ka kaco durbadiiba fariisanayay qof hor leh oo u yimid inuu shaah cabo , mana ii sahlanayn in aan la kulmo xaliimo oo aan hadda ka hor ogolaan in la waraysto  oo ay la hadasho warbaahin maqal iyo qoraal ka diyaarinaysa  sheeko qusaysa  nolosheeda.

Karinta shaaha , dhaqidda weelasha lagu cabo   iyo  isku darka nadaafadda goobtan waxaa isku qabanaya Xaliimo Abkow oo run ahaantii ah qof da’ah laakiin marna aan ogolayn inay rajo dhigto.

 

W/Q: Munasar Maxamed Cabdi

Tafatiray : Bashiir Maxamuud Wehliye

Daabacay: Maxamed Abuukar Kulmiye