U bood dhigaalka

Haweeney Ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Haweenay 70 jir ah ayaa ku geeriyootay magaalada Hargeysa ka dib markii ay ku dhacday Suuli ama Musqul ku Yaalla magaalada Hargeysa.

Haweeneyda geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray Aamino Maxamed oo ah 70 jir taasi oo dhashay 6 caruur ah.

Aamina ayaa ku dhacday Suuli ku yaallo Xaafadda Geerish Ow-aadan oo ah mid ka tirsan xaafadaha Magaalada Hargeysa balse Isbitaalka ay ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Suuliga oo ku dul-dumay.

Ciidanka dab-demiska Somaliland oo iyagu Suuliga kasoo saaray haweeneyda  iyadoo nool ayaa ka warbixiyay siduu u dhacay hawl-galkaasi, waxaana Taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland uu sheegay in afartii bilood ee ugu dambeeyay ay suuli ku dhaceen ku dhawaad 10 qof oo intooda badan la badbaadiyay.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland Gen. Axmed Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen waxaa uuna yiri “Waxaa uu Maanta Suuli la go’ay gabar la yiraahdo Aaamino Maxamed Nuur markii naloo soo sheegay waan u gurmadnay gabartii oo nool ayaan ku gaarnay balse Isbitaalka ay ku geeriyootay”.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa sheegay in ay kordheen tirada dadka ay la dumayaan Suuliyadu 4-tii bilood ee u dambeeyay, taasi oo ay ku sheegeen in aysan si fiican u dayac-tirneyn Suuliyada.

Goobjoog News