U bood dhigaalka

Haweeney Lagu Diley Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka.

Dhallinyaro ku hubeysnaa Mindiyo (Tooreey) ayaa haweeneydaan weeraray xilli ay meel waddo ah mareysay, kadibna gaarsiiyey dhaawac halis ah.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, dhaawicii soo gaaray haweeneydan ayeey ugu geeriyootey isla xalay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen dhowr qof oo arrintan lagu tuhunsan yahay.

Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo batay rag dadka ku dhaca Mindiyo.

Goobjoog News