U bood dhigaalka

Haweeney Uur Leh Oo Nin Horey U Qabey Uu Ku Diley Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Liibaan Xassan Barow ayaa waxaa uu diley haweeneyda Saafi Faarax Qaasim oo ah xaas uu horey u qabey balse hadda u dhaxda nin kale, dhacdada waxaa ay ka dhacdey Garas Bintow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

Qof goobjooge ah oo la Hadley Goobjoog News waxaa uu sheegey in ninkan markii uu gabadha dilayey isna uu toorey isgeliyay balse aanu dhiman.

Goobjoogaha waxaa uu intaa ku darayaa in Liibaan Xasan uu ka shaqeyn jiray Ceel halkaasi ku yaallo, caafimaadkiisana uu Taam ahaa, arrintanna uu u sameeyay maseyr dartiis.

Gabadha la diley ee Saafi waxaa ay horay u dhashay 3 cunug oo labo ka mid ah ayey u dhashay ninka dilay, hadda waxaa ay laheyd uur.

Goobjoog News