U bood dhigaalka

Haweenka Barakacayaasha Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Daryeel Caafimaad Helin Xilliga Dhalmada

Sheeko:Caafimaadka

Haweenka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaan helin goobaha caafimaadka ee u aadaan xilliga dhalmada, taasi oo u sahli lahayd inay ka baaqsadaan dhibaatooyin badan oo ay wajahayaan.

Inta badan hawenkan oo danyar ah waxya ku dhalaan meello aan munaasib ahayn oo dhib badan ay ku qabsato, mararka qaar waxay dhibaatadooda ay gaartaa hooyada iyo canuga ay foolaneyso.

Aamino Sayid Cumar waa hooyo dhib kala kulantay faoosha iyada oo awoodi waysay inay tagto xarumaha caafimaadka oo xilligaa aysan heli karin, waxayna Goobjoog News uga sheekeysay dhibaatadii soo gaartay.

“Goob lagu dhalo malahan, aniga xitaa mar ayaan ku dhiig baxay oo tabcaan noqday markii dambe Isbitaal Banaadir la ii geyay, canugiina waa uu igu dhex dhintay, markii dhalmada la gaaro meel aad aadeyso malahan, xarun kuu dhaw malahan, marka aad dhashid hadane xanaano aan lahayn oo aad dhiig baxayso” ayeey tiri Aamino.

Waxaa jira hay’ado ka shaqeeya caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, kuwaasi oo dalka meello ka mid ah barakacayaasha ka caawiya sidii ay haweenku u heli lahaayeen xarumo ay ku dhalaan xilliga foosha, laakiinse inta badan meelaha qaar ee barakacayaasha ku nool yihiin ma jiraan xarumo loogu tala galay caafimaadka oo ay ka heli karto hooyada dhalaysa adeegga ay u baahan tahay.

Sahro Abukar Maxamed ayaa sheegaysa in dhibaatada ugu badan ay tahay in aysan u dhoween meello ay ka heli karto caafimaad, waqtiga ay qaadaneyso inay tagaan xarumaha kale ee caafimaadka ee ka fog.

“Maba la helo xarumo caafimaad inta badan, qofka meel fog u jira maba helayo, dhibaato badan ayaan la kulannaa, in dhiig bax yimaado, ilamaha ay wax gaaraan oo laga yaabo xitaa in qalliin ay gaarto”

Guud ahaan adeegga caafimaad ee ay helaan Barakacayaasha waa mid aad u liita, waxayna hooyooyinka kuu sheegayaa inaysan awoodin in carruutooda xanuunsan ay geeyaan xarumaha caafimaad ee lacagta ah kuna yaalla magaalada Muqdisho sida ay sheegayso Faadumo Ismaaciil oo ayanu kula kulannay kaam ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Caafimaad ma haysanno, 20 jeer ayaa naloo yimaadaa waa nala qoraa, nala sawiraa weli wax wax na siiya malahan, qarash ma hayno, caruurtiina waxay u baahan yihiin dawo sidaa ay tahayna xaqiiqda ma awoodno inaan qarash isbitaal bixinno”

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay dhowr jeer in ay wax ka qabaneyso adeegga caafimaad ee dalka gaar ahaan adeegga caafimaad ee ay helaan dadka danta yar iyo goobaha barakacayaasha, balse waxaa illaa iyo hadda taagan dhibaatooyin caafimaad darro oo gudaha dalka ku hayso dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yare e aan awoodin isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Goobjoog News