U bood dhigaalka

Haweenka Degmada Caabudwaaq Oo Dalbadey Qoodadooda 30%

Sheeko:Dalka

Kulan ay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku yeesheen haweenka degmadaasi ayaa waxay ku dalbadeen in si caddaalad ah loo siiyo qoonadooda ah 30%.

Haweenkan waxay sheegeen in waxgaradka degmadaasi ee soo xulaya xildhibaannada ay ka doonayaan in ay haweenka siiyaan qoodada ay xaqqa u leeyihiin.

Aamino Axmed oo kamid ah haweenkii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegtay in haweenka ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada dowladda cusub ee soo socota, sidaasi darteedna waxgaradka ay ugu baaqayaan in qoonadada haweenka lagu xadgudbin.

“Annaga waxaa nala siiyey qoondo ah 30%, sidaa darteed waxaan leenahay waxgaradkeena haweenka kuraastooda yaan ragga loo weecin, annaga ayaa keensaneyna cidda ina matali lahayd” ayeey tiri Aamino.

Haweenka ayaa la sheegay in la siin doono kuraasta Labada aqal ee dalka 30%, si looga dhabeeyo heshiiskii hoggaanka madasha wadatashiga qaran.

Goobjoog News