U bood dhigaalka

Haweenka Ku Dhaqan Baladweyne Oo Fariin u Diray Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa cambaareeyay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, iyo sidoo kale xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida qaarkood ay dowladdaasi kusoo rogtay.

Waxa ay sheegeen in aan indhaha laga daboolan karin dhibaatada ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, iyaga oo dalbaday in aan si qasab ah loo soo celin qaxootiga dalkaasi ku sugan.

Shamso Ciise Aadan oo ka mid ah Haweenkaan ayaa u sheegtay Goobjoog News in hadalkaasi uu ahaa mid aan loo meel dayin, islamarkaana weli dalka ay ka jiraan dhibaatooyinkii dadkaasi ay dalkooda uga carareen.

Waxa ay sidoo kale ka codsatay dowladda Kenya in ay dib xayiraadda uga qaaddo Xawaaladaha Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in dad badan oo dalkaasi ku nool lacag loogu soo diri jiray, islamarkaana loo baahan yahay in dib loo eego.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Haweenka gobalka Hiiraan, waxaan aad uga xunnahay in qaxooti badan la dhaho qasab halagu celiyo, aniga hadalkaasi markii aan maqlay aad ayaan uga xanuunsaday, waxaan ognahay in weli dalka ay ka jiraan dhibaatooyinkii dalka uga tageen, waxaan codsanayaa in aan dadkaasi lasoo celin illaa amniga dalka laga xaqiijiyo, waxaan kaloo codsanaynaa in la fasaxo Xawaaladaha Soomaaliyeed oo dad badan ay ku nool yihiin” Shamso ayaa sidaasi tiri.

Dalka Kenya waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaaliyeed, waxaana dadkan halkaasi ku haysta dhibaato adag oo dhanka nolosha ah, waxaana intaasi u dheer welwel ay dadkaan xilli walba ka qabaan in dhibaato ay kala kulmaan dowladda Kenya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada