U bood dhigaalka

Haweenka Ku Jira Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho Oo Wax La Barayo

Sheeko:Dalka

Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa laga hirgeliyay mashruuca waxbarashada dadban, kaasi oo si horudhac ah loogu bilaabayo Haweenka Xabsigaasi ku jira.

Munaasabad lagu daah furayay Mashruucaan ayaa maanta ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana ka qeybgalay wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka Sahra Maxamed Cali Samatar iyo xubno kale.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Bashiir Axmed Jaamac oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muwaadin walba oo Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga uu xaq u leeyahay inuu helo nolol wanaagsan, iyo sidoo kale in uu helo waxbarasho.

“Muwaadin walba oo xurriyadiisa laga qaaday, laguna soo xiray xabsiga waxa uu yeelanayaa xuquuq, hadii ay ahaan lahayd halkii uu seexan lahaa, waxbarasho iyo sidoo kale waxyaabo badan oo nolosha qofka muhiim u ah” ayuu yiri Bashiir Axmed Jaamac.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in uu ku dadaalayo sidii muwaadin walba oo xabsiga ku jira u heli lahaa meel wanaagsan oo uu seexdo iyo in uusan la kulmi dhibaato xagga nolosha ah.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Sahra Cali Maxamed Cali Samatar oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay xooga saarayso sidii maxaabiista xuquuqdooda u heli lahaayeen, sidoo kalena muhiim ay tahay sida ay sheegtay in Haweenka ku jira Xabsiga ay helaan waxbarasho si berri ay mustaqbalkooda u anfacaan.

Goobjoog News