U bood dhigaalka

Haweenka Ku Jira Xildhibaannada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Oo Guddoomiye Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada haweenka ee ku jira aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta doortay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen, xoghaye iyo qasnaji.

Haweenka ku jira xildhibaannada aqalka sare ayaa tiro ahaan gaaraya 13, waxaana doorashada maanta soo xaadiray 12, iyadoo munaasabadda doorashadan ay ka dhacday xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Shukri Aadan Maxamed ayaa noqotay guddoomiyaha haweenka ku jira aqalka sare, kadib markii ay u tanaasushay Faadumo Gariiro oo la tartameysay.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Koowaad ayaa loo doortay Samsam Ibraahim Cali, halka ku xigeenka Labaad loo doortay Deeqa Xasan Xuseen, waxaana xoghaye u doorteen xildhibaannada haweenka ee aqalka sare Samsam Daahir Maxamuud, iyadoo qasnajigana laga dhigay Fartuun C/qaadir Karaama.

C/xaashi Cabdullaahi oo furitaanka munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay in ay wanaagsaneyd in haweenka ku jira guud ahaan baarlamaanka Soomaaliya ay hoggaan mid ah sameystaan, balse golaha shacabka haweenka ku jira oo hoggaan gaar ah sameystay awgeed lagu qasbanaaday in haweenka aqalka sarena ay iyaguna hoggaan doortaan.

Goobjoog News