U bood dhigaalka

Haweenka Mudug Oo Baaq u Direy Madaxda Galmudug

Sheeko:Dalka

Haweenka gobolka Mudug ayaa ka codsaday madaxda maamul goboleedka Galmudug inay khilaafkooda wada xaajood ku xalliyaan.

Guddoomiyaha haweenka gobolkaasi Maymuun Cali Nuur ayaa ugu baaqday madaxda Galmudug iney eegaan aayaha gobolka, islamarkaana wax walbo oo dhexdooda ah ku iloobaan shacabka ay madaxda u yihiin.

Maymuun ayaa sheegtay in loo baahan yahay in wax kasta oo la isku qabtay wada hadal lagu dhammeeyo si xaaladdu aysan u sii fogaanin.

“Wadahadalka waa muhiim, waa in shacabka la eegaa oo wax walbo lagu dhameeyaa miiska wadahadalka, yuusan idin la tagin khilaafka ayaan leeyahay madaxa Galmudug”

Ugu dambeyn, Maymuun ayaa sheegtay in xaalado adag ay ka jiraan gobollada Mudug iyo Galgaduud islamarkaana xilligani aan loo baahnayn madmadow soo kala dhex gala hoggaanka sare ee maamulka Galmudug.

Goobjoog News