U bood dhigaalka

Haweenka Oo Loo Xaqiijiyey Iney Heli Doonaan Qoonadada Ay Ku Leeyihiin Dowladda Soo Socota

Sheeko:Dalka

Nafisa Geedi oo ka mid ah guddiga federaalka ee Hirgelinta doorashooyinka ayaa sheegtay in si iloo xaqiijiyo qoonadada haweenka ee 30% uu banaanaan doonaan kuraasta haweenka loogu talo galay haddii beelaha qaar ay ku dhiiradaan inaan dumar lasoo xulin.

Waxay sheegtay Nafisa in shirkii madasha gaar ahaan midkii ugu dambeeyay ay gudbiyeen fikrado la xiriira qaab siyaasadeedka dumarka iyo ka qeybgalkooda siyaasadeed ee sanadkan.

Ka guddi ahaan ayeey tilmaantay iney xaqiijin doonaan doorka dumarka iyo in beeluhu ay siyaasadda ka qeybgeliyaan.

“Annaga ka guddi ahaan waan xaqiijineynaa in haweenka doorkooda la siiyey, haddii beeluhu qaar ay ka madax adeegaan inay haween kusoo daraan kurtaasta sida horayba loogu shaaciyey heshiiskii madasha, waa ay bannaanaan doonaan kuraasta looghu talogalay Haweenka si loo xaqiijiyo qoondadooda 30%” ayeey tiri Nafisa.

Horjoogayaasha Haweenka ee dhinaca Siyaasadda waxa ay sheegeen in aysan illaa iyo hadda caddeyn Dowrkooda.

Banaan baxyo lagu Taageerayo in haweenku saamigooda 30% helaan ayaa marar badan waxay ka dhigeen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dalka.

Goobjoog News