U bood dhigaalka

Haweenka Puntland Oo Caawinaya Soomaalida Kasoo Carartay Dagaallada Yemen

Sheeko:Dalka

Dhawaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa soo gaaray dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, iaydoo dadkaasi ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Haweenka ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal oo maanta saxaafadda la hadlay waxa ay sheegeen in ka haween ahaan doorkooda ay ka qaadan doonaan, islamarkaana ay caawin doonaan dadka dhiban.

Istanbul Suldaan Cabdullaahi iyo Agaasimaha waaxda Hidaha iyo dhaqanka wasaaradda warfaafinta Puntland Xaliimo Cali Biyood ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay gargaar in ay u fidiyaan shacabkaasi Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay baaq u direen jaaliyadaha Puntland in ay soo caawiyaan dadka badan ee hadda kusoo gurmaya magaalada Boosaaso oo ay sheegeen in hadda culeys badan uu magaaladaasi koray.

Dhinaca kale Haweenkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan Puntland ku eegan xaaladdaan oo gurmadka loo baahan yahay dhankooda ka qaataan.

Ugu dambeyn ayeey haweenkaan sheegeen in ay dhaqaale u uruurin doonaan, muhiimadda ay saxaafadda ula hadleenna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta loogu baaqo inay caawiyaan walaalahooda.

Goobjoog News