U bood dhigaalka

Haweenka Qaranka Oo Cabasho Ka Ah Qoondada Baarlamaanka Hirshabeelle(SAWIRRO)

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Kulan kula qaatay magaalada Jowhar Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

 Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa Ku qaabilay Magalada Jowhar Wafdi ay Hoggaaminayso Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Shiikh Axamed Gaballe.

Kulankani ayaa intii uu socday looga hadlay arrimo ku saabsan qoondada dumarka ee baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Ururka Haweenka Qaranka ayaa Wasiirka kala hadlay Qoondada Haweenka ee xidhibaannada HiirShabelle, Waxayna Wasiirka ka codsadeen in uu Kala shaqeeyo sidii loo heli lahaa xubanaha Baarlamaanka ee ay haweenka yeelanayaan.

Haweenka ayaa cabasho ka muujiyay tirada ay haween ahaan ka heleen wakiillada maamulka Hirshabeelle taasoo ah afar xubin oo kaliya.

Wasiir Odowaa ayaa wax aan macquul ahayn ku sheegay arrintaasi isagoo ballan qaaday in ay ku soo dari doonaan baarlamaanka haweenka.

Wasiirka carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay bulshada u leeyihiin haweenka wuxuuna sheegay inuu kala shaqeynayo sida loo heli karo xubnaha ka maqan.

Haweenka labadan gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa Qoondo ahaan baarlamaanka Hirshabeelle waxay ka heleen afar xubin oo kaliya.

HOOS KA DAAW SAWIRRADA:

 wasiir-odawaa-iyo-haweenka-qaranka-1  wasiir-odawaa-iyo-haweenka-qaranka-3

wasiir-odawaa-iyo-haweenka-qaranka-2

wasiir-odawaa-iyo-haweenka-qaranka-4

Goobjoog News