U bood dhigaalka

Haweenka Qaranka Oo u Gurmanaya Dadka Ku Nool Deegaannada Abaartu Ku Dhufatey Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in kaalin ay ka qaadan doonaan gurmad loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku hayso deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka.

Guddoomiyaha ururkaasi Batuulo Axmed Gaballe oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay iney wadaan dedaal wax loogu uruurinayo shacabkaasi, islamarkaana ay rajeynayaan in gurmadkan aan loo kala harin.

Haweenka Soomaaliyeed ayeey sheegtay in hadda laga doonayo kaalintii ugu badnaa, islamarkaana ay jiraan xisaabaad loo furay abaaraha si cid walbo oo wax awooddo wax un ugu yaboohdo dadkaasi.

“Gurmadku wuu billowday, yaboohii ayaa billowday, gabar walbo wixii ay heli karto waa laga doonayaa, gurmadka gudaha iyo dibadda ayuu ka socdaa, guddiga musiibooyinka qaranka ayaa howshaasi abaabulkeeda wada, sidoo kale gudddiga loogu talogalay abaaraha dalka ku dhuftay Account-yadii wey furan tahay, marka Soomaali waa Soomaali, maanta cunug Soomaaliyeed oo baahi u seexanaya ama u dhimanaya qof ka seexana karto ma jirto” ayeey tiri Batuulo.

Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar baahsan  oo saameyn ku yeelatay dadka iyo diinyada, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News