U bood dhigaalka

Hay’adaha Ammaanka Oo Amarro Dul Dhigay Shacabka Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Kulan looga hadlayey ammaanka ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana kulankaasi yeeshay saraakiisha ammaanka ee talisyada Booliiska iyo Nabad sugidda heer federaal qeybaha ka howlgala magaaladaasi.

Waxaa shirkan diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa ammaanka Dhuusamareeb, iyadoo digniin loo direy shacabka magaaladaasi, sidoo kale amarro cusub la faray.

Qodobada shirka kasoo baxay ayaa kala ahaa:

1: Qofkii  Iska iibinaya Garigiisa kuna Sugan gudaha Dhuusamareeb  waa in uu kusoo wargaliyaa Xafiisyada qaabilsan Diiwaangalinta Gaadiidka Ee Labada Xafiis.

2: Qofka leh Gaadiidka waa in uu Gaarigiisa ku xiraa Taargada Maamulka lamana ogolaan doono Gaari aan laheyn Taargo oo ah Aqoonsiga Uu Gaariga ku shaqeeyo.

3: Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyadad Guri ku yaalla Caasimadda Dhuusamareeb rabana Inuu ijaarto (Kireeysto) Waa Inuu lasoo xiriiro ama tago Talisyada Hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hay’ad, INGO,Mas’uuliyiin ama Shaqsi Iska Caadi ah.

4: Cidii kireeysa Guri aysan la socodsiin Hay’adaha Amniga, iyaga ayaa  mas’uul ka noqon doona wixii Gurigaas lagu Qabto Ama lagu arko,kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro.

5: Qofkii la qabto, Isaga oo hub ku dhex wata Magalada Dhuusamareeb sida’ qori_Bistoolad_Ama Bambo aan laheyn Sumad  loo raaco Isaga Iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona Hay’adaha Amniga Ee ku sugan Dhuusamareeb.

6: Gaadiidka ay ku dhegan yihiin Muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargalinayaa Inay Iska diiwaan geliyaan Talisyada Amniga si loo siiyo Aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in Gaadiidkooda ay ku dhejiyaan Muraayadaha Madow.

7: Gaarigii ku dhex socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacad socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki doona Gaari ka qayb iaadanaya qalqal galinta Amniga.

8: Qof walba waxaa laga codsanayaa Inay si buuxda ula Shaqeyaan Hay’adaha Amniga si loo Ilaaliyo Badqabka Muwaadinka Naftiisa Iyo Maalkisa intaba.

9: Qofkii arka Gaari,Goob Ama Shaqsi uu ka shakiyo waa Inuu si deg deg ah ula Xariiro Hay’adaha Amniga si Loo baajiyo Qatar laga yaabo Inay Mahadho Reebto ama dhibaato culus u keento Bulshada Magalada Dhuusamareeb.

10: Askari kasta Ee ka tirsan Xero kamida qeybaha Ciidanka ee soo baxaya waa Inuu soo qaataa Aqonsigiisa Ciidanimo si aysan u dhicin is Maandhaaf iyo Isku Ekeyn Xilliyada Howlgalladu socdaan.

Goobjoog News