U bood dhigaalka

Hay’adaha Ammaanka Oo Sheegay Iney Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen sarkaal la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab.

Waxaa la sheegay in sarkaalkan uu ahaa madaxii maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Bariire, gobolka Shabellaha Hoose.

Inkastoo aan magaciisa la shaacin ayaa hadana waxaa sidoo kale la sheegay in shaqsigaan uu Al-shabaab howlo kalena u qaabilsanaa.

Ciidanka DFS ayaa maalmahan dambe waxa ay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ka wadeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News