U bood dhigaalka

Hay’adaha Amnaanka Dowladda Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Sababta Loo Xiray Qeybo Ka Mid Ah Wadada Makka Al-mukarrama (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Khaasim AxmedHay’adaha amaanka dowladda Federaalka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in la xiro Qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Hay’adahaasi Khaasim Axmed Rooble ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in qorshahan ay tahay oo kaliya sugidda amaanka magaalada Muqdisho.

Waxa uu Afhayeenka sheegay in shacabka ay ka raali gelinayaa hadii ay la kulmaan caqabado ku aadan xagga Isticmaalka wadada, isaga oo sheegay in kaliya waxa laga shaqeynayo amaankooda ay tahay.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale tilmaamay in magaalada Muqdisho oo dhan laga wado howlo amaanka lagu sugayo, islamarkaana xilligaan aanu faah faahin ka dhiibi karin waxa sababay in qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama la xiro.

Wadadaan ayaa xiran in ka badan 24-saac, waxaana gaadiidka dadweynaha ee halkaasi Isticmaalayay ay yihiin kuwo xaafadaha maraya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News